Tomaas Sankaara
Kacaanka oo sees akhlaaqeed u ah horumarka qofka Afrikaanka ah
Miyaanay mudnayn in aynu isweydiinno maxaa ka dhigay aragtida Tomaas Sankaara in ay ka gudubto xuduudda tijaabo-galka siyaasadeed ee dal yar oo sabool ah sida Burkiina Faaso? Sidee ayay se qaabdhismeedkeeda akhlaaqeed isugu beddeshay mashruuc falsafadeed oo lagu xoraynayo insaanka oo aanay keliya ku koobnayn uun barnaamij xukuumadeed? Sidee se u fahmi karnaa shakhsiyad kacaanyahan ah oo xukunka haysay afar sano keli ah, balse ka tagtay raad iyo dhaxal ku soo labalaabmaya nidaamyo tobannaan sano talinayay?
Waxa ay weyddiimahaasi inagu hayaan gundhigga aragtida falsafadeed ee Tomaas Sankaara (1949-1987) oo ahaa hoggaamiye siyaasadda u hawlgaliyay in ay tahay habdhaqan anshax ah iyo in maamulka dawladda ay ka horrayso dhisidda insaanka. Yoolkiisuna waa ka fogaa in uu horkaco kacaan baadigoobaya awood iyo xukun, balse waxa uu ahaa kacaan dib u qeexay xidhiidhka insaanka Afrikaanka ahi la yeelanayo naftiisa, bulshadiisa iyo caalamkaba, isla wakhtigaana ah qaab is xorayneed oo ku teedsan mawaaqiftiisa la xidhiidha in quud ahaan xor la noqdo, imbiriyaaliyadda la iska dhiciyo, xuquuqda haweenkana loo doodo oo karaamadooda la dhawro.
Waxa ay aragtida Sankaara ku dhisnayd waxa aynu ugu yeedhi karno “xorayn dhammaystiran” oo ka dhigan in la isku dhafo dhaqaalaha iyo akhlaaqda, qarannimada iyo caalaminnimada, iyo, ugu danbayn, siyaasadda iyo ruuxda. Sida uu qabo xorayntu ma aha fal milatari oo keliya, balse waa doorasho jiritaan. Waxa uu cabbiray mabda’aa oo uu ku xusay mid ka mid ah khudabadihiisa: “Kacaanku waxa uu neef cusub u yahay insaaninnimada.”
Waxa ay hawraartiisaasi tibaaxaysaa in kacaanku yahay mid ka gudbay isbedellada maaddiga ah si uu u gaadho dhisidda macne cusub oo insaanka la xidhiidha. Waxa uu Sankaara ahaa mid dheegta casharrada ku dhigan taariikhda kacaanka caalamiga ah si uu uga soo dhanbalo falsafaddiisa gaarka ah, waxana uu xusay: “Kacaankeenna Burkiina Faaso waa mid ku tiirsan isu geynta waaya’aragnimada aadanaha ee ilaa dura soo taxnayd, waxana aynu ku tamanniyaynaa in uu dhaxal u noqdo dhammaan dhaqdhaqaaqyada isxorayneed ee dunida saddexaad. Waxa aynu soo ururinnay casharrada ku sugan Kacaankii Maraykanka, waxa uu ina baray Kacaankii Faransiiskuna qiimaha xuquuqda aadanaha, halka se Kacaankii Aktoobar ee Ruushka ahaa ee weynaa aynu ka barannay sida ay dabaqadda xoogsataa u xaqiijin karto guul iyada oo u dhabayn karta riyadii Baariis ee ‘xaqsoorka’ ahayd. Waxa uu odhaahdaa ku soo bandhigayaa fikradda daarran in taariikhdu ay tahay silsilad casharro akhlaaq ah oo isku biirbiiraya, si ay shucuubta dunida u siiso kartida xoraynta, kacaannaduna aanay agtiisa uga ahayn keli ah goobo siyaasi ah, balse ay u yihiin dugsiyo lagu dhisayo wacyiga insaanka.
Waxa ay falsafadda Sankaara ku qotontay in uu muwaaddinka geeyo booska ay ka socoto hawsha siyaasiga ahi, maxaa yeelay siyaasadda lagu ma halbeegi karayo culayska mashaariicda uun e, balse waxa lagu qiyaasayaa heerka ay ilaaliso oo dhawrto milgaha iyo karaamada shacbiga. Sidaa awgeed buu tacliinta uga dhigay in ay tahay mid leh mudnaan fog, sababta oo ah aqoontu agtiisa ma ahayn agab dhalinaya kor-u-kac bulsheed, in ka badan inta ay tahay gundhigga si wacyiga looga xoreeyo dhaanraacnimada.
Waxana uu tibaaxay: “qofka ina quudiyaa wuu ina xakameeyaa,” oo ay ka dhalanayso xidhiidhka ay leeyihiin wacyiga quudashadu iyo madaxbannaanidu. Waxa weedhan ka soo baxaysa in ay tahay sawir raadhikaal ah oo ku saabsan siyaasadda, waayo isku fillaanshaha qofeed lagu ma cabbiri karo si ay ahaataba siyaasad dhaqaale oo keliya, in ka badan inta ay tahay shardi lagu xoraynayo doonitaanka insaanka. Sidaa awgeed buu qorshihiisii beeruhu u daarranaa in uu saldhigo xidhiidh cusub oo u dhexeeya insaanka iyo dhulka, xidhiidh ku dhisan shaqo la wadaago iyo masuuliyad bulsheed.
Waxa intaa dheer in Sankaara uu qabay in akhlaaqdu aanay ahayn uun qiime dheeraad ah oo ku saabsan siyaasadda, balse ay tahay shardi lagu sharciyaynayo. Markii uu mushaharkiisa hoos ugu dhigayay heerka shaqaalaha caadiga ah iyo kolkii uu iibiyay gaadhigiisii dawladda oo uu ku beddelay gaadhiga Renault 5, waxa uu soo bandhigayay cashar falsafadeed oo ku saabsan nuxurka iyo ujeeddada siyaasadda. Mid ka mid ah khudbadihiisii waxa uu ku sheegay: “kacaanyahanka u ma suuragal aha in uu ka dalbado shacbigiisa in ay nolol caadi ah ku noolaadaan isaga oo ku nool nolol raaxo leh.” Weedhani waxa ay tilmaamaysaa hir jebinaya derbiga “waallida” ee kala sooca dabaqadda talisa iyo noloshooda dhabta ah. Docdan akhlaaqiga ahi sida oo kale waxa ay caddayn u tahay halka uu ka taagan tahay xuquuqda haweenka oo ka yidhi: “xoraynta haweenku waxa ay shardi u tahay guusha kacaanka”.
Sidaa awgeed ma uu ahayn mid u arka haweenku in ay yihiin mawduuc siyaasad bulsheed ah, balse waxa uu qabay in ay xubin firfircoon ka yihiin dib u dhisidda saaxadda dadweynaha. Sidaa darteed, waxa uu soo rogay xeerar ka hortagaya guurka carruurta, xaasaska badan, gudniinka fircooniga ah, waxana uu dumarka u magaacabay boosaska u sarreeya, waxa uu shaaciyay sida oo kale maalin waddani ah oo ay raggu qabanayaan shaqooyinka guriga oo muujinaysa in ay tahay astaan dhaqan oo xeeldheer oo ka hor imanaysa qaabdhismeedka awoodda ee aabbennimo.
Waxa ay imbiriyaaliyaddu u ahayd falsafadda Sankaara udubdhexaad. Waxa uu u arkayay qabsashada Galbeedku in ay tahay qaabdhismeed qiimo ah oo beegsanaya in uu dareenka ka siibo madaxbannaanida. Waxana uu ka yidhi mid ka mid ah khudbadihii uu ka jeediyay Midowga Afrika: “Siyaasadaha dheefdoonnimada iyo caawimaadaha ku salaysan waxa ay ku dhammaadeen in ay tashuush inagu furaan, hoos inoo dhigaan, inagana saaraan dareenka masuuliyadda ah ee ku aaddan arrimaheenna dhaqaalaha, siyaasadda, iyo dhaqanka la xidhiidha. Waxa aynu doorannay in aynu halis qaadanno si aynu hore ugu soconno hilinno cusub oo aynu u gaadhno nolol wanaagsan.” Waxa ay weedhani daaha ka rogaysaa in dhaqaaluhu goob u yahay loollan jiritaan oo u dhexeeya xorriyadda iyo dhaanraacnimada.
Sababta oo ah waxa uu qabay in imbiriyaaliyaddu aanay keliya ahayn xoog debedda inagaga yimi balse ay tahay xidhiidh iyo dhis nafsi ah: in aad aqbashid ku tiirsanaan, awoodda is le’egta u noqotid mid hoos jooga, iyo in aad aamintid in horusocodku yahay mid lagu xaqiijinayo in laga soo waarido Galbeedka xalal diyaarsan. Sidaa awgeed waxa uu ugu baaqay Afrikaanka in ay dhisaan tusaale horumar oo madaxbannaan iyo sifaynta ku tiirsanaan Afrikaan ah oo ku saabsan caawimaadaha debedda ah in ay tahay tashuush lagu furayo masuuliyadaheenna ku aaddan mustaqbal wanaagsan.”
Waxa intaa dheer in Sankaara qabay in kacaanku yahay jiraal insaani ah ee aanu awoodda ku saabsanayn, waxa uu taas ku cabbiray kolkii uu yidhi: “kacaanyahannada waad khaarijin kartaa balse ma dili kartid afkaartooda.” Odhaahdani ma ahayn astaan inta ay tahay baaq ku saabsan in fekradda kacaannimo ay leedahay qiimaha ay kaga gudbayso sebenka. Sidaa awgeed, geeridiisu ma aha dhammaadka mashruuciisa balse waa bilawga uu isu beddelayo astaan falsafadeed oo ku saabsan insaanka Afrikaanka ah. Waxa uu fahmay in kacaanku aanu ahayn dhacdo caadi ah balse yahay jid la isku xoraynayo, sida aanay awooddu u ahayn yool e ay u tahay jid lagu dhidbayo insaan cusub, iyo in isbeddelka imbiriyaaliyaddu ay ka bilaabanayso iska caabhinta quudashada indhaha la’, iyo in aan sinnaanta lagu xaqiijinayn halkudhigyo uun e, balse in la dhidbo sidii loo daadejin lahaa oo looga saari lahaa kala-sarraynta iyo xasaanadaha ay cido gaar ahi ku raaxaysanayso.
Gebagabadii aragtida Tomaas Sankaara loo ma tixgelin karo si ay tahayba barnaamij dawlad soo koraya, inta ay tahay falsafad isxorayneed oo insaani ah oo ku dhisan seesas waaddix ah: insaanka waxa lagu qiyaasaa karaamadiisa ee lagu ma halbeego hantidiisa, madaxbannaaniduna waxa ay ka bilaabanaysaa in la xakameeyo quudka iyo aqoonta, kacaankuna waxa uu u baahan yahay akhlaaq si uu u ahaado kacaan, dumarkuna ma aha walax lagu ilaalinayo xeerar e waxa ay qayb ka yihiin dib u dhisidda mustaqbalka. Sida oo kale imbiriyaaliyaddu waxa ay shucuubta ku xakamanaysaa baahiyaheeda iyo dhalanteedyadeeda in ka badan inta ay ku maamusho awood.
Sidaa awgeed buu Sankaara isugu beddelayaa astaan falsafadeed oo ku saabsan siyaasiga Afrikaanka ah ee isku xidhaya waajibka akhlaaqiga ah iyo hawsha waaqiciga ah, dawladdana ka dhigaysa goob la isku xoraynayo ee aan ahayn mid la isku xakamaynayo. Waxa uu xukumayay Burkina Faaso afar sano, balse waxa uu asaasay wax aynu odhan karno “xeerarka akhlaaqda ah ee kacaanka Afrikaanka.” Sidaa awgeed buu magaciisu u ahaaday mid ku duugan xusuusta oo aanu keliya u ahayn hoggaamiye, balse filasoofar ka hawlgaliyay fekerkiisii, geeriyoodayna isaga oo aan marnaba khiyaamayn aragtidiisii xorriyadda daarranayd.
Qormadan waxa soo turjumay Cabdicasiis Daahir.



